Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun casri ah oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya
Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya. Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka. “Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqba...