Posts

Showing posts from November, 2015

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Image
Mogadishu, 21 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;  Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay, Dowladda oo Guddi u dirtey Xuduuda Kenya, Bankiga Adduunka oo mushaaraadka shaqaalaha bixinaya, Kuwait oo taageereysa horumarka Warbaahinta Soomaaliya, 150 shaqaalaha Dowladda oo tababar u aadaya dalka India, Shirka Wadatashiga Qaran oo lagu qabtay 5 magaalo, Ciidanka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur, Barnaamijka Dhaqanka oo laga hirgeliyey degmada Shibis, Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Baydhabo iyo 5,000 xoolo ah oo laga dhoofiyey Muqdisho. Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay 18kii November 2015 ayaa dib loo furay Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo muddo 24 sano ah xirneyd. Dadaalkan ayaa ku yimid ka dib markii Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siisay xoo