Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 21 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay, Dowladda oo Guddi u dirtey Xuduuda Kenya, Bankiga Adduunka oo mushaaraadka shaqaalaha bixinaya, Kuwait oo taageereysa horumarka Warbaahinta Soomaaliya, 150 shaqaalaha Dowladda oo tababar u aadaya dalka India, Shirka Wadatashiga Qaran oo lagu qabtay 5 magaalo, Ciidanka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur, Barnaamijka Dhaqanka oo laga hirgeliyey degmada Shibis, Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Baydhabo iyo 5,000 xoolo ah oo laga dhoofiyey Muqdisho.
Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay
18kii November 2015 ayaa dib loo furay Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo muddo 24 sano ah xirneyd. Dadaalkan ayaa ku yimid ka dib markii Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta xiriirka caalamka iyo diblomaasiyadda, oo dhowaan ay Dowladda Mareykanka waraaqihii aqoonsiga kala wareegeen Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Mudane Axmed Ciise Awad. Xaflada furitaanka safaarada ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Dr Abdusalam Hadliye Omar, Kaaliyaha Xoghayaha Arriamaha Dibedda ee Africa ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield iyo mas’uuliyiin kale. Dib u howlgelinta Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka ayaa waxey suurtogelineysaa in xiriirka caalamka uu sii haggaago weliba xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, sidoo kale safaarada waxey wax u qaban doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka.
Dowladda oo Guddi u dirtey Xuduuda Kenya
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa booqasho qaadatay labo maalin oo loogu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-Xaawo waxay 17kii iyo 18kii November 2015 ku tageen degmooyinka Dooloow iyo Beled-xaawo. Socdaalka kadib. Wafdiga ayaa soo saaray qodobo ay ka mid yihiin, In derbi la dhisay uusan u muuqan, In aanu noo u muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay, In la qoday god ay ku qiyaaseen 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m, Waxey Buulo Xaawo dusheeda ku arkeen waddo la xaaray oo baldooze la mariyey. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.
Bankiga Adduunka oo mushaaraadka shaqaalaha bixinaya
Shirka looga hadlayey waxyaabihii ka qabsoomay barnaamijka New Deal iyo caqabaha ka horyimid ayaa 18kii November 2015 lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’isalwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, wasiirro ka tirsan Xukumadda, xubno ka socday maamul gobooleedyada dalka ka jira iyo wakiillo matalayey deeq bixiyeyaasha caalamka. Shirka ayaa lagu meelmariyey mashruuc ah in Bankiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo taageerada kale ee la xariira bixinta Qarashaadka dowladda Soomaaliya. Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in shirka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso waxyaabaha ka dhaqan galay New Deal, isla markaasna soo dhoweeyey qorshaha Bankiga Adduunka uu ku taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka.
Kuwait oo taageereysa horumarka Warbaahinta Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmaed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa 17kii November 2015 fiidkii kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait Salmaan Sabaax Alsaalim Alxamuud. Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Kuwait iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada wasaaradood ee warfaafinta Soomaaliya iyo Kuwait. Wasiir Maareeye ayaa dhigiisa Kuwait uga mahad celiyay casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan. Dowladda Kuwait ayaa taageereysa horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta ay hormuud ka tahay.
150 shaqaalaha Dowladda oo tababar u aadaya dalka India
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradu qorsheysay in tababarka isgaarsiinta u qaybiso dhamaan wasaaradaha xukuumada shaqaalaha waaxda isgaarsiinta, waxa kaloo uu sheegay in bisha December 2015 ay baxayaan shaqaale gaaraya 60 qof, bisha Febraayo 2016 ay baxayaan 30 kale, ka dibna 60 kale ay bixidoonaan bartamaha sannadka 2016. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wada dadaalo oo kusaabsan arimaha Isgaarsiinta iyo sharciga Isgaarsiintuna uu horyaallo golaha baarlamaanka. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn ugu baaqey dhamaan shirkadaha, Isgaarsiinta, Raadiyayaasha, shirkadaha Bixiya qadadka Internetka in ay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta iska diiwaan galiyaan.
Shirka Wadatashiga Qaran oo lagu qabtay 5 magaalo
Shirka Wadatashiga Qaran ee looga arransanayey nooca doorasho ee laga hirgelin karo dalka ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo. Shirarkan ayaa qabsoomay 15kii ilaa iyo 17kii November 2015. Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Guddiga Farsamada iyo Guddiga Howlgelinta (Task Force) iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ay hormuud ka aheyd. Waa markii ugu horreysey oo shir noocan oo kale ah oo shacabka laga talogelinayo aayaha dalka lagu qabto dalka, tanoo muujineysa in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay in shacabka lagala tashto arrimaha masiirka dalka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagala tashanayey nooca doorasho ee laga hirgelin karo dalka bilaha August iyo September ee 2016ka. Noocyada laga doodayey ayaa kala ahaa nooc xisbiyada dalka doorasho gelayaan, nooc degmo walba ay soo xulaneyso xildhibaanada heer Federaal, nooc Dowlad Goboleedyada inay soo xushaan xildhibaanada iyo noocii awood qeybsiga beelaha ee dalka laga hirgeliyey. Guddiga Farsamo iyo Guddiga Howlwadeenada ayaa soo ururiyey afkaarta dadka oo lagu wado inay warbixin ka soo diyaariyaan oo lagu soo bandhigi doono shirka Madasha Wadatashiga ee heer Qaran oo bisha December lagu qaban doono Muqdisho si loo go’aamiyo nooca doorasho ee dalka laga hirgelin karo.
Ciidanka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur
Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Ceel buur 15kii November 2015 waxa ay kula wareegeen deegaanno hoostaga Degmada, kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Maxamed Kaariye oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Ceelbuur ayaa sheegay in ciidanka ay ka saareen tuulooyin dhowr ah oo ay dadka ku dhibaateyn jireen kooxda Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Maxamed Kaariye ayaa hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka ka soo goosanaya kooxda Al-Shabaab ee isu soo dhiibeya gacanta ciidanka dowladda, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada ay qaldeen Al-Shabaab inay heystaan fursad ay isku soo dhiibi karaan.
Barnaamijka Dhaqanka oo laga hirgeliyey degmada Shibis
Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed (CCA) ayaa waxay Degmadda Shibis ku qabatay Barnaamij ballaaran oo Bulshada looga wacyi-gelinayo Ilaalinta Dhaqanka toosan ee Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Dhallinyarrada loogu wacyi-gelin lahaa inay ku hirtaan Dhaqankaasi faca weyn. Munaasbadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), qaar ka mid ah Guddoomiyayaaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ammaanka Gobalka Banaadir, Ururka Haweenka Gobolka, Waxgarad, Odayaal, Dhallinyarro, Fannaaniinta Hoballadda Waaberi, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid waaxyaha ay ka kooban tahay Degmadda Shibis iyo Kooxda Ciyaartoyda Dhaqanka ee Shibis. Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed ee CCA uga mahadceliyey Barnaamijka Wacyi-gelinta ee ay u qabteen Bulshada ku nool Degmadda Shibis, isagoo sheegay inay Bulshadda ka faa’ideysteen waxyaabihii lagu soo bandhigay Madasha Degmada. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab iyo Xuseen Saalim oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Degmadda Shibis oo ka hadlay Kulankaasi ayaa ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay u midoobaan Ilaalinta Dhaqanka iyo Nabadda iyo inay ku hirtaan Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay xafladda waxa uu aad u ammaanay kaalinta ay Hay’adda CCA uga qeyb qaadato Wacyi-gelinta Bulshada, Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Horumarinta Bulshada, Mustaqbalka Dhallinyaradda iyo cayaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Baydhabo
Raisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarrke oo 18kii November 2015 socdaal ku tagay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa kulamo la qaatay qaybaha Bulshada gobolkaas, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaanada Maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya. Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Sahrif Xasan Sheekh Aden iyadoo ujeedadu aheyd sidii nidaamka Dowladda Federaalka loo gaarsiin lahaa dhammaan gobollada dalka iyo sidii Dowladda Koofur Galbeed ay u dhameystiri laheyd soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed.
5,000 xoolo ah oo laga dhoofiyey Muqdisho
18kii November ayaa in ka badan 5,000 (Shan kun) oo xoolo Lo’ ah loo dhoofiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo Markab weyn oo kuwa xoolaha qaada ah uu ka shareecday dekeda weyn ee magaalada Muqdisho. Shirkadda East Africa Livestock Company oo dhowr jeer oo hore xoolo badan u dhoofisay dalalka Khaliijka ayaa xoolahan gaaraya shan kun ee lo’ u dhoofisay dalka Imaaraadka Carabta. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa soo dhoweeyay dhoofinta xoolaha, isagoo ku booriyay Ganacsatada inay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa suuq geynta xoolaha Soomaalida ee dibadda loo dhoofiyo. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Mudane Nuur Faarax ayaa sheegay inuu soo xoogeynsanayo dhoofinta xoolaha, waxaana uu tilmaamay in Dekeda Muqdisho laga dhoofin doono xoolo dheeraad ah.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.