Ra'iisul Wasaare Xamse oo boggaadiyey hawlgallada Gobolka Hiiraan ee ciidamadu kula dagaallamayaan Argagixisada


 Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaallamaya argagixisada. Isagoo ku tilmaamay ciidanka X.D.S geesiyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee isku xil-qaamay sidii ay cadawga u sifeyn lahaayeen gobolka.

Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, iyada oo wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ay dib ugu soo laabteen Muqdisho gelinkii danbe ee maanta

https://gotranscript.com/transcription-jobs/r/mogadishuismail

https://gotranscript.com/r/mogadishuismail

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.