Muqdisho, Agaasto 23, 2022-- Kulanka Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ee socon doonna muddada labada cisho ah, ayaa lagu lafa gurayaa
howllaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta
wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.
Arrimaha ugu
muhiimsan ee diiradda lagu saari doonno kulan wadareedka Golaha Wasiirrada
ayaa ah, lix qodob oo koobaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran.
Wada shaqeynta
hay'adaha dowladda, falanqeynta howllaha hortabinta u leh xukuumadda,
adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha
wasiirada. Dhawrista iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha
dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda
hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo la wadaagidda dadweynaha xog mideysan.
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, si
loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed
in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hay'adaha shaqo wadaagga ah.
"Labada
maalmood ee aad ku jirtaan Kulan wadareedka, waa in aad dareenkiinna,
maskaxdiina iyo muuqaalkiinnaba isugu geysaan sidii iyo habkii loo hirgelin
lahaa howllaha hortabinta u leh Qaranka".
Ra'iisul Wasaaraha
oo golaha xusuusiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo
dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, ayaa tilmaamay in dadka
Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samatabixinayo
bulshada tabaaleysan.
Ra'iisul Wasaare
Xamse Cabdi Barre ayaa intaas ku daray; "Waxaan ku rajo-weynahay in
gebo-gebada kulan wadareedkaan ay kaso bixi donaan natiijooyin waxtar u
yeelan doona, waxna ka badali doona mustaqbalka dadkeenna. Waxaan idinku
adkaynayaa in si degan u aqridaan Barnaamijka Xukuumadda ee uu Baarlamaanku
ansixiyay, isla markaana aad ka soo dhalashaan qotominta iyo adkaynta
tiirarka ku xusan ee udub-dhexaadka u ah Dowlad-dhiska Soomaaliya".
Shir Wadareedka
Golaha Wasiirrada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha
Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Xeer Ilaaliyaha guud ee
Qaranka, Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud, Ergayga gaarka ah ee arrimaha
Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur,
khubaro iyo lataliye yaal ka tirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
|