Madaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin’’
Muqdisho, 10 December 2015: Iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhowrista iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha ee waddanka. “Waa inaan dib u cusboonaysiinaa dadaalka aan ku muujinayno sida ay inooga go’an tahay in si joogta ah loo qiimeeyo, loona xushmeeyo nolosha bani’aadamka ee gudaha dalka Soomaaliya: rag, haween iyo carruur intaba. Ma ahan in dastuurkeena iyo sharciyadeena oo keliya lagu xuso xuquuqda aadanaha, balse waxaa lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga iyo hannanka aan leenahay ay noqdaan kuwo saamaxaya in lagu dabbaqo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa intaas dheer oo nalaga doonayaa in aan shakhsiyan xaqiijino in nolol maalmeedkeena uu noqdo mid ka tarjumaya sunnada Rasuulkeena Muxammad (Caleyhi Salaatu wa Salaam) ee ahayd inuu caawiyo dadka masaakiinta iyo kuwa nugul ee bulshada ka mid ah,’’ ayuu yiri Mad...