Posts

Showing posts from September, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga

Image
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare  ku xigeenka Da

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay Dood-cilmiyeed ku saabsan Doorashooyinka Dalka

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka. Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed. “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan

HADAL-JEEDINTA MADAXWEYNAHA FARMAAJO EE GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

Image
  Waxaa sharaf iyo nasiib ii ah in aan hadaljeedintan ka sameeyo golahan maanta oo ay ku beegantahay sanad guuradii 75aad ee midnimadeenna, nabadda, horumarka iyo barwaaqada, iyada oo ay muhiim inoo tahay in aan markale balanqaadno sida ay nooga go’an tahay ku dhaqanka xeerka Qaramada Midoobay, innaga oo wadar-ogol balaaran ka gaarayna iskaashi mideysan oo aan ka yeelano horumarka waara ee caalamiga ah. Ma jiraan wax ka muhiimsan Wadar-ogol, iskaashi iyo ficilo hiigsi leh oo isku mid ah inta lagu jiro caqabadahan siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dunida ka jira ee uu horseedey cudurka safmarka ah ee Karoona. Si aan u qiimeyno tallaabooyinka aan horey u qaadayno ee ku wajahan gaarista hadafyada Horumarka Waara ee Hiigsiga 2030-ka ee inta lagu gudajiro safmarka karoona, waa in aan dib u qiimeyn ku sameynaa mustaqbalka aan dhammaanteen wada doonayno iyo nooca Qaramada Midoobay aan rabno in aan helno. Karoona waxa uu ahaa cashar arxan daran iyo dhawaqii ugu dheeraa ee hurdada ka kiciyay

Farmaajo oo kala hadlay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka sii ambaqaadidda Heshiiska Doorashooyinka Dalka

    Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3. Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto. “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-ki

wax soo saarka Soomaaliya maxaad kala socotaa hal;kaan uga bego

Image