Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay
Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay
ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo
dimuqradiyadda dalka.
Madaxweynaha ayaa si mugleh
uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay
doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda
Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga
faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.
“Isu-tanaasulku waa arrin
xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida
iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan
uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo
bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si
bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.”
Madaxweyne Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka
Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid
ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka
siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof
iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.
“Tan iyo markii aan xilka
imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo
talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha
Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee
Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu
heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.”
Sidoo kale, Madaxweynaha oo
ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada iyo
deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in
muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada
Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida,
lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen
qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.
|
Comments
Post a Comment