Posts

Showing posts from November, 2020

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaalka

Image
  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan. Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

Image
  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood. “Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, sa

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar Ka mid ah Dhallinyarada beesha mareexaan

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha” Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awood