Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo
Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed
Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer
Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta
mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed
. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga
mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee
ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa
qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda
ee Boqolka maalmood. “Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa
kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo
bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan
nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta
Dalka. Madaxweynaha Maamulka Koonfur
Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyey
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo booqashada ay ku yimaadeen
deegaanka, waxuna tilmaamay in ay yeelan doonaan wadatashiyo waxtar u leh
dalka iyo dadka Soomaaliyeed. |
Comments
Post a Comment