Posts

Showing posts from 2015

Madaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin’’

Muqdisho, 10 December 2015: Iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhowrista iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha ee waddanka. “Waa inaan dib u cusboonaysiinaa dadaalka aan ku muujinayno sida ay inooga go’an tahay in si joogta ah loo qiimeeyo, loona xushmeeyo nolosha bani’aadamka ee gudaha dalka Soomaaliya: rag, haween iyo carruur intaba. Ma ahan in dastuurkeena iyo sharciyadeena oo keliya lagu xuso xuquuqda aadanaha, balse waxaa lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga iyo hannanka aan leenahay ay noqdaan kuwo saamaxaya in lagu dabbaqo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa intaas dheer oo nalaga doonayaa in aan shakhsiyan xaqiijino in nolol maalmeedkeena uu noqdo mid ka tarjumaya sunnada Rasuulkeena Muxammad (Caleyhi Salaatu wa Salaam) ee ahayd inuu caawiyo dadka masaakiinta iyo kuwa nugul ee bulshada ka mid ah,’’ ayuu yiri Mad

President: "We must ensure that Somalis live free from fear, tyranny and oppression"

Image
Mogadishu, 10 December 2015: On International Human Rights Day, the President of the Federal Republic of Somalia, HE Hassan Sheikh Mohamud, confirmed Somalia’s commitment protecting and promoting human rights in Somalia. “We must renew our efforts in demonstrating our commitment to the intrinsic value of each human life in Somalia: man, woman or child. Not only should our Constitution and legislative environment enshrine human rights as a guiding principle, our government systems and processes should allow these principles to be applied throughout Somalia. Moreover, we must be sure, as individuals, in our day-to-day life to give truth to the Prophet Muhammad’s (PBUH) example of looking after the less fortunate and most vulnerable among us. “Somalia is making headway in ensuring a human rights approach to the way the government does business and conducts itself, but there is much more to be done. As Somalia moves forward on its pathway of peace and prosperity, as President, I echo

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Image
Mogadishu, 21 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;  Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay, Dowladda oo Guddi u dirtey Xuduuda Kenya, Bankiga Adduunka oo mushaaraadka shaqaalaha bixinaya, Kuwait oo taageereysa horumarka Warbaahinta Soomaaliya, 150 shaqaalaha Dowladda oo tababar u aadaya dalka India, Shirka Wadatashiga Qaran oo lagu qabtay 5 magaalo, Ciidanka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur, Barnaamijka Dhaqanka oo laga hirgeliyey degmada Shibis, Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Baydhabo iyo 5,000 xoolo ah oo laga dhoofiyey Muqdisho. Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay 18kii November 2015 ayaa dib loo furay Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo muddo 24 sano ah xirneyd. Dadaalkan ayaa ku yimid ka dib markii Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siisay xoo

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun casri ah oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya

Image
Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya. Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka. “Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqba

Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska la dardaarmaya

Image
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga Muqdisho, Sabti 09 May 2015 : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid. Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf. Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ,Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale. --