Posts

Showing posts from December, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Caabudwaaq

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin. Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagey degmada Caabudwaaq ayaa ku qotoma sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq, taasoo lagu adkaynayo horumarka iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Guriceel, waxuna amray in si dhaqso loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay. “Bulshada Caabudwaaq waxay caan ku yihiin dalka iyo dowlad jeceyl, waxaan ka tacsiyeynayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee lagu dilay Balanbale,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka. Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa. “Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.” Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Ca

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goob-joog u ahaa munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadda cusub ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Gahayr, isla markaana yabooh maaliyadeed loogu raadinayay dhismaha xarunta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saxiibada caalamka in laga qeyb qaato dib u dhiska Jaamacadda. Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay ayaa lagu qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaya 190 Malyan oo Doolar, waana taas sababta keentay in la qabto barmaanijkaan dhaqaalaha loogu raadinayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in uu kamid ahaa ardaydii ka soo baxday xarunta Gahayr, uuna garanayo qiimaha iyo ahmiyadda ay ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgeliyo muddo soddon sano ah, xukuumaddiisuna ay kaalin mug leh ka geysan doonto. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Maamulka Saadaasha Hawada Soomaaliya

   Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey guddiga maamulka hay’adaha Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaam Maaliyeedka Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga. Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha la ansixiyay ayaa muhiim u ah hay’adaha dowladda, waxayna hagayaan habraacyada maareynta sharciyada iyo shaqooyinka, waxayna Goluhu ku ansixiyeen wadar ogol, kuwaa oo ay soo gudbiyeen soonna diyaariyeen Wasaradaha Maaliyadda, Ganacsiga , Caddaaladda iyo Gaadiidka . Guddiga Maamulka Hay’adaha Sadaasha Hawada Soomaaliya ayaa ka kooban 11 xubnood oo ah khubaro iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha Dowladdu ay ku xoojinayso dhismaha hay’adaha duulista. Gola

wax ka baro Microsoft si lacag la'aan ah oo aduunyada u shaqatag

https://youtu.be/2OPN986VNuM  

walaal ma jeceshahay inaad wax ka barato jaamacadaha dibada si lacag la"...walaal ma jeceshahay inaad wax ka barato jaamacadaha dibada adiga oo jooga gurigaada iyo goobtaada shaqo. wax qarash ah kaama baxaayo fadlan lawadaag asxaabtaada iyo qaraabadaada si looga wada faa'iideysto tacliintan lacag la'aanta ah

Image

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY SHIRKA MIDOWGA AFRIKA EE JOOJINTA COLADDA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka. Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda. “Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”. Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-

RA’IISUL WASAARAHA OO FURAY SHIRKA ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan howllaha hortebinta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Nabadda, Dhaqaalaha,Xaqiijinta Doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta koowaad siinayaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhigga u ah qabsoomidda Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan heshiiskii Samareeb iyo Muqdisho ee ay horay u gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka loo qorsheeyey ee 30%. “Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsanaa doorasho dadban, waxa uu ahaa heshiis siyaasadeed oo dhowraya qoondada haweenka ee 30% , isla markaana hagaya hirgalinta doorashooyinka soo socda”. Eng. Rooble ayaa tilmaamay

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada ay Xukuumaddu ku bixineyso dardargelinta arrimaha doorashooyinka

  Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka. “Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan D