Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Maamulka Saadaasha Hawada Soomaaliya
Shirka Golaha Wasiirrada
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey guddiga maamulka hay’adaha
Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaam Maaliyeedka
Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada
dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise
sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga. Hindise Sharciyeedyada iyo
Siyaasadaha la ansixiyay ayaa muhiim u ah hay’adaha dowladda, waxayna
hagayaan habraacyada maareynta sharciyada iyo shaqooyinka, waxayna Goluhu ku
ansixiyeen wadar ogol, kuwaa oo ay soo gudbiyeen soonna diyaariyeen
Wasaradaha Maaliyadda, Ganacsiga , Caddaaladda iyo Gaadiidka . Guddiga Maamulka Hay’adaha
Sadaasha Hawada Soomaaliya ayaa ka kooban 11 xubnood oo ah khubaro iyo aqoon
yahanno Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha Dowladdu ay ku
xoojinayso dhismaha hay’adaha duulista. Golaha Wasiirrada ayaa si wadajir
ah tacsi ugu diray ehellada lixdii sarkaal ee lagu dilay duleedka Balanbale,
waxayna falkaasi ku tilmaameen mid laga xumaado, iyadoo uu socdo baaritaanno
xoog leh oo lagu soo qabanayo kooxihii falkaas geystay, si caddaaladda loo
horkeeno. |
Comments
Post a Comment