Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goob-joog u ahaa
munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadda cusub ee Jaamacadda Ummadda
faraceeda Gahayr, isla markaana yabooh maaliyadeed loogu raadinayay dhismaha
xarunta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saxiibada caalamka in laga
qeyb qaato dib u dhiska Jaamacadda. Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda
Ummadda Soomaaliyeed oo burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii dalka ka
dhacay ayaa lagu qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaya 190 Malyan oo Doolar, waana
taas sababta keentay in la qabto barmaanijkaan dhaqaalaha loogu raadinayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay
in uu kamid ahaa ardaydii ka soo baxday xarunta Gahayr, uuna garanayo qiimaha
iyo ahmiyadda ay ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgeliyo
muddo soddon sano ah, xukuumaddiisuna ay kaalin mug leh ka geysan doonto. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha
Dibedda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Wasiir Ku-xigeenka
Arrimaha Dibedda Talyaaniga Marwo Emanuela Del Re ayaa kala saxiixday heshiis
ku qotoma xoojinta iskaashiga labada dal. Iyadoo Dowladda Talyaanigu ay ku
wareejisay Soomaaliya deeq loogu talagalay wax ka qabashada duufaantii
dhowaan ku dhufatay Puntland ee Gati. |
Comments
Post a Comment