Posts

Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed...

Image
Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed Jimcaale

MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya ...

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MUNAASABADDA DHAQAN-GELINTA HESHIISKA NABADEED EE SUUDAAN

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu na...

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal 2

Image
1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF 3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland. 4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaa...

Farmaajo oo Jubba kaga qayb galaya munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadda dalka Suudaan

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan. Dowladda Suudaanta K oonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. https://twitter.com/M_Farmaajo/status/1312427939...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga

Image
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare  ku xigeenk...

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay Dood-cilmiyeed ku saabsan Doorashooyinka Dalka

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka. Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed. “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ...