Posts

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaalka

Image
  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan. Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

Image
  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood. “Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid...

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar Ka mid ah Dhallinyarada beesha mareexaan

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha” Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay a...

Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed...

Image
Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed Jimcaale

MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya ...

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MUNAASABADDA DHAQAN-GELINTA HESHIISKA NABADEED EE SUUDAAN

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu na...

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal 2

Image
1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF 3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland. 4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaa...