Posts

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka. “Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyad...

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR WADATASHI AH ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go'aanadan: 1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. 3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021. 4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda ...

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR WADATASHI AH ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go'aanadan: 1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. 3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021. 4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda ...

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Samareeb

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkey...

ANSIXINTA 13KA KURSI EE LAGU KORDHINAYO GOLAHA AQALKA SARE EE MATALAADDA GOBOLKA BANAADIR

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ...

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WASIIRKA DIFAACA INGIRIISKA KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dh...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddiga maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed

Image
  Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed. Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in Ciidanka qaranku ay u diyaarsan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka. Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan. Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa karoona iyo dadaalka ay wadd...