Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddiga maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed

 Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in Ciidanka qaranku ay u diyaarsan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa karoona iyo dadaalka ay waddo dowladdu ee la xiriira sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada uu leeyahay xanuunkan.


Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.