Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada Xajka iyo Maktabadaha Soomaaliyeed

 Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siisay xaaladaha amniga iyo Howlgallada xasilinta dalka, waxayna tilmaameen in guud ahaan ciidamadda qaranku ay u diyaar san yihiin sidii loo sugi lahaa amniga xiligan dalka ay ka dhacayso doorashooyinka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka laga sameeyey amniga.

Wax ka badelka Hindise sharciyeedka habka maktabadaha Soomaaliyeed oo soo gudbisay wasaaradda waxbarashada ayay goluhu ansixiyeen, iyadoo sidoo kale la meel mariyey Hindise sharciyeedka arrimaha Xajka oo Wasaaradda Diinta iyo Owqaaftu ay golaha u soo gudbisay.

Golaha ayaa warbixin faah faahsan oo ku saabsan laba kaclaynta caabuqa karoona ka dhageystay wasaaradda Caafimaadka oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lagana fogaado wax walba oo ka qeyb qaadan kara faafitaanka xanuunkan.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda oo safarro shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa golaha uga waramay guulaha laga gaaray safarkooda.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.