Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Jaamacadda Carabta iyo Dalka Switzerland

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.