Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16. Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi
la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka
Danab guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen
dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo
bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo
aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro
dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada. “Waxan idin kugu nimid inaan idin
xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan
cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si
buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka
shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si
aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin
dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.” Guutada 16-aad ee Danab ayaa sida
gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo lagu
beegsanayo ubucda argagixisada, waana ciidan heegan ugu jira sidii ay dalka
uga ciribtiri lahaayeen kooxaha banaystay daadinta dhiigga shacabka
Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka ayuu uga
mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la
garab taagnayd Ciidanka Danab. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa
tilmaamay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka gaareen
dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona bogaadiyey dhabar
adeygga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay
dalka ka sifeeyaan argagixisadas caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna. |
Comments
Post a Comment