Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mida Xarumaha Wasaaradaha dalka

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariira wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacanna loogu adeego shacabka, gacanna doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.