Posts

Showing posts from February, 2021

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

  Shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka. Wasaaradaha ayaa xaqiijiyey in la dardargelinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka. Shirka Golaha Wasiirrada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Covid19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqbaadka Xukuumadda ee boqolka maalmood

  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wadaagay Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amniga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Ballaarinta Isbitaalka Yardimeli

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho. Dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka ayaa labo jibaar ka weyn kii hore, waxuna ku yimid baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xarumo caafimaad oo tayo leh, isla markaana laga heli karo adeegyadii loo doonan jiray dalka dibeddiisa. Eng. Rooble oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siineyso bixinta adeegyada taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goobjoob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cid w

Xukuumadda oo fududeynaysa qabsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaah

Ra’iisul Wasaare Rooble “Bulshada Soomaaliyeed waxay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka

  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD. “Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”. Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee maalin kasta laynaya haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda aya

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo qeybaha bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashooyinka ee dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo uu saldhig u yahay heshiisyadii la gaaray ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA SAMAREEB

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ku guddoominayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee qabsoomidda doorashada dalka. Shirkan oo socon doona 1-da ilaa 3-da bishan Febaraayo ayaa ku saleysan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.