Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

 Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashooyinka ee dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo uu saldhig u yahay heshiisyadii la gaaray ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.