Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqbaadka Xukuumadda ee boqolka maalmood

 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wadaagay Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amniga dalka iyo ilaalintiisa, isla markaana aan qofna laga aqbalayn in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka.

“Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka. Dowladnimada aan maanta haysannaa, waxay noogu fadhidaa qiime aad u weyn , waxaana waajib nagu ah in aan wada ilaashanno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin”.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed isku-duubni iyo in qof kasta oo muwaaddin ahi kaalintiisa ka qaato marxaladdan kala-guurka ah.

Comments

Popular posts from this blog

How to Choose a Dog Breed That Learns Fast and Easy

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Press Release: PM Roble visits the wounded construction workers after Mogadishu-Afgoye corridor terror attack.