Ra’iisul Wasaare Rooble “Bulshada Soomaaliyeed waxay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.
“Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”.
Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee maalin kasta laynaya haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka.
Comments
Post a Comment