Ra'iisul Wasaare Xamse oo boggaadiyey hawlgallada Gobolka Hiiraan ee ciidamadu kula dagaallamayaan Argagixisada

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada. Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee...