Posts

Xukuumadda F. Soomaaliya oo hal Milyan oo Dollar u qoondeysay gurmadka abaaraha

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

  Shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka. Wasaaradaha ayaa xaqiijiyey in la dardargelinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka. Shirka Golaha Wasiirrada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Covid19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqbaadka Xukuumadda ee boqolka maalmood

  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wadaagay Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amn...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Ballaarinta Isbitaalka Yardimeli

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho. Dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka ayaa labo jibaar ka weyn kii hore, waxuna ku yimid baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xarumo caafimaad oo tayo leh, isla markaana laga heli karo adeegyadii loo doonan jiray dalka dibeddiisa. Eng. Rooble oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siineyso bixinta adeegyada taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goobjoob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cid w...

Xukuumadda oo fududeynaysa qabsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdul...

Ra’iisul Wasaare Rooble “Bulshada Soomaaliyeed waxay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka

  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD. “Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”. Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee maalin kasta laynaya haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka.