Posts

Showing posts from 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Caabudwaaq

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin. Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagey degmada Caabudwaaq ayaa ku qotoma sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq, taasoo lagu adkaynayo horumarka iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Guriceel, waxuna amray in si dhaqso loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay. “Bulshada Caabudwaaq waxay caan ku yihiin dalka iyo dowlad jeceyl, waxaan ka tacsiyeynayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee lagu dilay Balanbale,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka. Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa. “Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.” Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Ca

Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goob-joog u ahaa munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadda cusub ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Gahayr, isla markaana yabooh maaliyadeed loogu raadinayay dhismaha xarunta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saxiibada caalamka in laga qeyb qaato dib u dhiska Jaamacadda. Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay ayaa lagu qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaya 190 Malyan oo Doolar, waana taas sababta keentay in la qabto barmaanijkaan dhaqaalaha loogu raadinayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in uu kamid ahaa ardaydii ka soo baxday xarunta Gahayr, uuna garanayo qiimaha iyo ahmiyadda ay ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgeliyo muddo soddon sano ah, xukuumaddiisuna ay kaalin mug leh ka geysan doonto. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Maamulka Saadaasha Hawada Soomaaliya

   Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey guddiga maamulka hay’adaha Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaam Maaliyeedka Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga. Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha la ansixiyay ayaa muhiim u ah hay’adaha dowladda, waxayna hagayaan habraacyada maareynta sharciyada iyo shaqooyinka, waxayna Goluhu ku ansixiyeen wadar ogol, kuwaa oo ay soo gudbiyeen soonna diyaariyeen Wasaradaha Maaliyadda, Ganacsiga , Caddaaladda iyo Gaadiidka . Guddiga Maamulka Hay’adaha Sadaasha Hawada Soomaaliya ayaa ka kooban 11 xubnood oo ah khubaro iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha Dowladdu ay ku xoojinayso dhismaha hay’adaha duulista. Gola

wax ka baro Microsoft si lacag la'aan ah oo aduunyada u shaqatag

https://youtu.be/2OPN986VNuM  

walaal ma jeceshahay inaad wax ka barato jaamacadaha dibada si lacag la"...walaal ma jeceshahay inaad wax ka barato jaamacadaha dibada adiga oo jooga gurigaada iyo goobtaada shaqo. wax qarash ah kaama baxaayo fadlan lawadaag asxaabtaada iyo qaraabadaada si looga wada faa'iideysto tacliintan lacag la'aanta ah

Image

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY SHIRKA MIDOWGA AFRIKA EE JOOJINTA COLADDA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka. Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda. “Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”. Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-

RA’IISUL WASAARAHA OO FURAY SHIRKA ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan howllaha hortebinta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Nabadda, Dhaqaalaha,Xaqiijinta Doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta koowaad siinayaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhigga u ah qabsoomidda Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan heshiiskii Samareeb iyo Muqdisho ee ay horay u gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka loo qorsheeyey ee 30%. “Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsanaa doorasho dadban, waxa uu ahaa heshiis siyaasadeed oo dhowraya qoondada haweenka ee 30% , isla markaana hagaya hirgalinta doorashooyinka soo socda”. Eng. Rooble ayaa tilmaamay

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada ay Xukuumaddu ku bixineyso dardargelinta arrimaha doorashooyinka

  Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka. “Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan D

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaalka

Image
  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan. Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

Image
  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood. “Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, sa

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar Ka mid ah Dhallinyarada beesha mareexaan

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha” Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awood

Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed...

Image
Gudoomiyaha Hey'ada maareynta masiibooyinka Garyaqaan Cabdulaahi Maxamed Jimcaale

MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya waxa

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MUNAASABADDA DHAQAN-GELINTA HESHIISKA NABADEED EE SUUDAAN

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal 2

Image
1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF 3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland. 4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaa

Farmaajo oo Jubba kaga qayb galaya munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadda dalka Suudaan

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan. Dowladda Suudaanta K oonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. https://twitter.com/M_Farmaajo/status/13124279396366

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga

Image
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare  ku xigeenka Da

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay Dood-cilmiyeed ku saabsan Doorashooyinka Dalka

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka. Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed. “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan

HADAL-JEEDINTA MADAXWEYNAHA FARMAAJO EE GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

Image
  Waxaa sharaf iyo nasiib ii ah in aan hadaljeedintan ka sameeyo golahan maanta oo ay ku beegantahay sanad guuradii 75aad ee midnimadeenna, nabadda, horumarka iyo barwaaqada, iyada oo ay muhiim inoo tahay in aan markale balanqaadno sida ay nooga go’an tahay ku dhaqanka xeerka Qaramada Midoobay, innaga oo wadar-ogol balaaran ka gaarayna iskaashi mideysan oo aan ka yeelano horumarka waara ee caalamiga ah. Ma jiraan wax ka muhiimsan Wadar-ogol, iskaashi iyo ficilo hiigsi leh oo isku mid ah inta lagu jiro caqabadahan siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dunida ka jira ee uu horseedey cudurka safmarka ah ee Karoona. Si aan u qiimeyno tallaabooyinka aan horey u qaadayno ee ku wajahan gaarista hadafyada Horumarka Waara ee Hiigsiga 2030-ka ee inta lagu gudajiro safmarka karoona, waa in aan dib u qiimeyn ku sameynaa mustaqbalka aan dhammaanteen wada doonayno iyo nooca Qaramada Midoobay aan rabno in aan helno. Karoona waxa uu ahaa cashar arxan daran iyo dhawaqii ugu dheeraa ee hurdada ka kiciyay

Farmaajo oo kala hadlay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka sii ambaqaadidda Heshiiska Doorashooyinka Dalka

    Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3. Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto. “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-ki

wax soo saarka Soomaaliya maxaad kala socotaa hal;kaan uga bego

Image