Posts

Ra'iisul Wasaare Xamse oo boggaadiyey hawlgallada Gobolka Hiiraan ee ciidamadu kula dagaallamayaan Argagixisada

Image
  Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada. Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee...

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

      Muqdisho, Agaasto 23, 2022-- Kulanka Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee socon doonna muddada labada cisho ah, ayaa lagu lafa gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda. Arrimaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doonno kulan wadareedka Golaha Wasiirrada ayaa ah, lix qodob oo koobaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran. Wada shaqeynta hay'adaha dowladda, falanqeynta howllaha hortabinta u leh xukuumadda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha wasiirada. Dhawrista iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo la wadaagidda dadweynaha xog mideysan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

How Important Is It To Stay Hydrated?

Image
 Hydradu waxay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka wanaagsan. 1 Biyuhu waxay ka kooban yihiin in ka badan kala bar miisaanka jidhkeenna waxayna muhiim u yihiin dhammaan hawlaheenna jirkeena, 2 iyo unug kasta oo jirkeenna ku jira waxay ku xiran tahay biyaha inay si habboon u shaqeeyaan. 3 Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo ay jirto muhiimadda ay leedahay biyuhu, dad badani ma cabaan wax ku filan maalin kasta.   Xadiga biyaha aad u baahan tahay waxay ku xiran yihiin arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan heerka waxqabadkaaga, cimilada aad ku nooshahay iyo caafimaadka guud ahaan. 4 Iyadoo aysan jirin jawaab hal xajmi ah oo dhan, ayaa Akedemiyada Qaran ee Cilmiga Dalka Maraykanka, Injineeriyadda iyo Daawada waxay soo jeediyeen in celcelis ahaan, raggu ay cabbaan 15.5 koob (3.7 litir) oo dheecaan ah maalin kasta, halka haweenkuna ay cabbaan 11.5 koob (2.7 litir). 5   Dabcan, kani waa uun xeer guud. Baahida shakhsi ahaaneed ayaa laga yaabaa inay kala duwanaato iyadoo ku xira...

Hadii aad tahay saxafi ku shaqeeya xaaladaan oo kale waa inaa isu badna...

Image

Xukuumadda F. Soomaaliya oo hal Milyan oo Dollar u qoondeysay gurmadka abaaraha

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

  Shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka. Wasaaradaha ayaa xaqiijiyey in la dardargelinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka. Shirka Golaha Wasiirrada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Covid19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqbaadka Xukuumadda ee boqolka maalmood

  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wadaagay Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amn...